Muqdisho – Antoine Griezmann ayaa ku booriyay Barcelona inay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa oo ah 100 milyan oo Euro, sida laga soo xigtay Don Balon.
Weeraryahanka reer France ayaa doonaya inuu ka tago Atletico Madrid, waxaana uu indhaha ku hayaa inuu u dhaqaaqo Camp Nou halkaa oo ay ka dhisan tahay kooxda Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Barca, Ernesto Valverde ayaa ku fikiraya fursado kale, taas oo la micno ah in Griezmann laga yaabo inuu u wareego Manchester United.
Kooxaha reer Englad ayaa iyana doonaya inay lasoo wareegaan laacibkan u dhashay waddanka faransiiska naadiyada Man Utd, Man City, iyo Chelsea ayaana la fahansan yahay inay xiise u qabaan.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.