Muqdisho – Waxaa maanta furmay aqoon-is-weydaarsiga sanadlaha ee cilmi-baarista Soomaaliyeed oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Cilmi-baarista Soomaaliyeed.
Kani waa sanadkii saddexaad oo Machadku uu qabto cilmi-baarista. Wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah. Isaga oo qeyb ka ah Jaamacadda Muqdisho, Machadku wuxuu labadii sano ee hore sidan oo kale usoo qaban-qaabiyay madasha cilmi-baarista Soomaaliyeed.
Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah: Adkeysiga iyo soo kabashada bulsho colaadi halakeysay.
Munaasabadda waxa kasoo qeyb-galay aqoonyahannada dalka ku sugan. Dhowr cilmi-baaris oo la xiriira degaanka, siyaasadda, caafimaadka, wax-barashada, Islaamka iyo nolosha ayaa lagu qaadaa-dhigayaa.
Furitaanka aqoon-is-weydaarsiga maanta waxaa ka hadlay aqoo-yahanno kala duwan. Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca xiriirrada Jaamacadda Muqdisho, Dr Maxamed Xuseen Ciise oo goobta ka hadlay ayaa aqooon-is-weydaarsiga ku tilmaamay mid buuxin kara kaalin bannaan oo booskeedii ay buuxiyeen aqoon-yahanno shisheeye.
La’aanta xoga keydsan iyo yaraanta xarumaha gudaha ah oo isku howla cilmi-baaris madax bannaan oo dalka ay ka sameeyaan waxay keentay in maanta aan la fahmi Karin jihada dalku kusii jeedo, marka loo eego guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda.
Farriimaha kale ee quruxda leh oo furitaanka aqoon-is-weydaarsiga laga tilmaamay waa yeelashada cilmi-baaris madax bannaan oo dadka Soomaaliyeed isku sameeyaan – halkii ay ergan lahaayeen kuwa ay ka sameeyeen qorayaal iyo aqoon-yahanno kale. Taasina waxay xittaa la timid in cilmi-baaraha Soomaaliyeed marka uu baaritaan sameynayo uu soo naqliyo kutubta laga qoray nolosheenna.
Dhibta aan la faaqidin ee qorayaasha shisheeye qaar ay ku marin habaabiyaan sooyaalka Soomaalida waxay qeyb kaga jirtaa tiirarka colaadda ee dalka ka jira. Qorayaal badan, sida I.M Lewis oo dhowr buugaag ka qoray bulshada Soomaaliyeed ayaana kamid ah.
In maanta laga bilaabo timaadada beritto – iyada oo loo marayo cilmi-baarisyo qoto dheer oo aqoon-yahannadeennu ku sameeyaan sooyaalka iyo deegaanka Soomaalida, waxay gogol xaar u tahay jiilka soo aadan oo ugu yaraan ka xoroobi kara aragtida caqli-gumeysi ee Galbeedka.
Sidaas darteed, aqoon-is-weydaarsigan oo kale oo Machadka Darasaadka uu soo qaban-qaabiyay waxay door muhiimad kasoo galeysaa hormarinta degaanka iyo nolosha maanta iyo u diyaargarowga mustaqbal qurux badan.
Ahaanshaha aqoon-is-weydaarsigii saddexaad oo noociisa ah kaas oo markiisii ugu horreysay la furay sanadkii 2014-ka, waxaa labadii sano ee lasoo dhaafay si weyn loogu gorfeeyo dhibaatada xaalufku ku leeyahay deegaanka ama dhirta loo jaro in dhuxul ahaan looga ganacsado iyo dhibaatada tahriibka.
Hal-ku-dhegga sanadkii hore wuxuu ahaa Tahriibka: safarka yididiilada iyo geerida. Waxaana lagu faaqiday sababaha gunta u ah Tahriibka: dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee ka dhalanaysa iyo waddooyinka looga weecan karo xal-u-heliddiisa.
Sanadkan aqoonyahannadu waxay madasha kusoo bandhigayaan daraasado kala duwan oo taabba-gal ah kuwaas oo dhinacyo kala duwan ka fiirinaya sooyaalka xaaladda Soomaaliya: sababaha keenay, natiijada, dhibaatada ka dhalatay iyo siyaabaha mudan in loola fal-galo.
Sanadkan, sida caadada ahba, waxaan lagu wadaagi doonaa 15 daraasadood oo aysoo ban-dhigayaan 15 cilmi-baarayaal Soomaaliyeed ah. Waxaana lagu wada inuu socdo saddex maalmood oo maanta ka bilaabanaysa.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.