Home / Macluumaad / Arday labada gacmood – mar qura – wax ku wada qori kara.

Arday labada gacmood – mar qura – wax ku wada qori kara.

Muqdisho – Iskuul ku yaalla xaafadaha fog ee dalka Hindiya ayaa dareenka warbaahinta kusoo jiitay markii 300 oo ardaydiisa kamid ah la ogaaday inay leeyihiin awoodda ay labada gacmood – mar qura – wax loogu qori karo.

Warbixin ayaa lagu muujiyo in 1% adduunka oo dhan laga heli karo dadka mar qura wax ku wada qori kara. labada gacmood oo loogu yeero ambidextrous, hayeeshe helaha iskuulka Veena Vandini ee degmada Madhya Pradesh wuxuu isku dayayaa inuu aragtidaas bedelo.

Askari hore oo katirsanaa xoogga dalka Hindiya, VP Sharma wuxuu sheegay inuu aad ugu riyaaqay Rajendra Prasad madax-weynihi ugu horreeyey ee Hindiya kaas oo labada gacmood wax ku wada qori jiray.

“Waxaan aqriyay sheekadiisa, waxaana ay igu dhiirri-gelisay inaan isku hayo,” ayuu yiri. “Markii aan degmadayda ka furay iskuulka, waxaan isku dayay inaan dhaqan-geliyo.”

“Bilowga hore ee fasalka ayaan u diyaarinaa si ay ugu danbayn dugsiga horraantiis u awoodaan inay labada gacmood wax ku qoraan. Laba qoraal ayay isku mar labada gacmood ku wada qorayaan.”

Sharma wuxuu sidoo kale rumeysan yahay in xirfaddani ay ardayda ku kaalmaynayso barashada luqadaha. In kasta oo si ballaaran loo aaminsan yahay inay baraarugga qeyb libaax leh ka qaadanayso, daraasado cusub ayaa tilmaamaysa in tallaabadani maskaxda halis ku noqon karto.

Daraasad lagu sameeyey waqooyiga Finland ayaa lagu sheegay in labada gacmood oo mar qura wax lagu wada qoro ay halis ku tahay maskaxda, dhibaato dhinaca luqadda ahna ay keeneyso.

ambidextrous-school-India2-750x422

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan