Home / Macluumaad / Arday Muslim ah oo diintiisa ku sharraxaya qaab wada-hadalka ku dhisan!

Arday Muslim ah oo diintiisa ku sharraxaya qaab wada-hadalka ku dhisan!

Muqdisho – Sanadkii hore wuxuu ahaa mid mashquul u leh ardayda Pennsylvania ka dhigta sharciga Akbar Hossain, kaas oo dad badan kula kulmayay goobaha lagu shaaho si uu ugala hadlo Islaamka.

“Waxaa jira meel banaan oo wararkii loo baahnaa aan lagu daabicin, warbaahintuna waxay kusii soctaa inay warar aan jirin ku buuxiyaan,” ayuu Akbar u sheegay Daily Pennsylvanian.

“Meeshaasna waxaan ku buuxin karnaa inaan fool-ka-fool kula hadalno dadyowga nala nool.”

Bil kadib doorashadii madax-weyne Trump, darawalka gaari uu saarnaa ayaa u sheegay inuu dalkii uu ka yimid isaga laabto.

Ka Muslim-American ahaan kaas oo reerkiisa la yimid Maraykanka isaga oo 9-jir ah, wuxuu in yar kadib maqaal kusoo qoray Philadelphia Inquirer – halkaas oo uu ku yiri: “Kani waa dalkayga. Meelna ugama socdo.”

Wuxuu maqaalkiisa kaga codsaday dadka inay si furan ula hadlaan haddii ay doonayaan inay wax badan ka ogaadaan diintiisa Islaamka.

Hadafkiisu waa in inta uu ka gaaro dadka uu u sharraxo diinta Islaamka iyo farriimaha wanaagsan oo aan helin cid ka gudbisa Muslimiinta.

“Waa inaad u wanaagsan tahay bulshadaada. Inta kale way kusoo raacayaan.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan