Home / Habka-Nolosha / Arday u bed-bedela magaciisa si uu uga badbaado su’aalaha macallimiinta
Arday

Arday u bed-bedela magaciisa si uu uga badbaado su’aalaha macallimiinta

Himilo – Weliga macallinkaaga ma u sheegtay inaad dhammeysay layli uu kuu diray balse aad ku soo hilmaantay guriga buuggii aad ku qortay? Arday badan ayaa sidan uga badbaadi jiray macallimiinta.

Balse hadda ardaydu ma samayn karaan! Xeeladdan oo caan ahayd hadda waxaa dhacay gabbalkeedii taniyo soo ifbixii Cudurka Karoona kaddib markii waxbarashada laga dhigay mid lagu qaato guryaha hab online ah iyadoo fasalada la tageynin.

Hase yeeshee wiil iskuul dhigta ayaa la yimid xeelad kale oo uu kaga badbaaday in su’aalo la weydiimo, wuxuu sameeyaa magaciisa ayuu bedbedelaa si aan loogu yeerin.

Ujeedada ardaygaas ayaa aheyd inuusan bartilmaameed u noqon su’aalaha barayaasha ay weydiiyaan ardayda iyagoo magacooda sheegaya. Inta xiisadda Zoomka lagu jiro ayuu ka baxaa kaddibna dib u soo galaa isagoo magacii iska beddelay.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan