Himilo – Mid ka mid ah xirfadaha la jaanqaadaya xilligan casriga muhiimkana ah in qofku barto waa kaxeynta iyo lug ama oolyo ka badelidda gaariga.
Hadda iskuul ku yaala xeebta waqooyi ee magaalada Sydney caasimadda Australia, ayaa baraya gabdhaha dusiga dhigta xirfadaasi.
Ardayda sanadka 11aad ee iskuulka Stella Maris, ayaa la barayaa sida loo baddelo lugta gaariga, loo hubiyo cadaadiska saraan, loo kormeero heerka ay mareyso oolyada gaariga, iyo waxa aad sameyn lahayd haddii aad ku leg yeelato shil gaari.
Barayaal haween ah oo ka tirsan xarunta tababarada bixisa ee Galmetic, ayaa ku caawinaya ardayda sidii ay u dareemi lahaayeen isku filnaansho. Eleni Mitakos, oo maamuleka ah xaruntaasi, ayaa u sheegtay Daily Mail Australia in qorshahoodu yahay inay sanadkan wax baraan 100-kun oo da’ yar ah oo wax ka barta dugsiyada ku yaalla Sydney.
Amy Smith, caawiyaha maamulka dugsiga Stella Maris, ayaa sheegtay in tababarka cilad bixinta gaariga ay si wanaagsan u anfacday ardaydii horey u qaatay.