Home / Cayaaro / Arsenal iyo Aston Villa ku biiray tartanka loogu jiro Paul Onuachu

Arsenal iyo Aston Villa ku biiray tartanka loogu jiro Paul Onuachu

Himilo – Arsenal iyo Aston Villa waxa ay ka mid yihiin kooxihii ugu dambeeyay ee muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa weeraryahanka Genk Paul Onuachu.

27-sano jirkaan ayaa dhererkiisu dhan yahay 6ft 7in, waxaana lala xiriirinayaa inuu isaga tagi doono kooxda Belgian, iyadoo kooxaha sida West Ham United, Tottenham Hotspur, Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ay dhamaantood la socdaan xaaladiisa.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, kooxda Mikel Arteta iyo Villa ayaa hadda soo galay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Nigeria, waxayna ka fiirsan doonaan inay dalab ka gudbiyaan weeraryahanka bisha Janaayo.

Onuachu ayaa la rumeysan yahay inuu ku riyoodo inuu ka ciyaaro London iyo Premier League, sidaas darteed waxay u muuqataa inuu door bidayo u dhaqaaqista Gunners marka loo eego Villains, halka xiisahan uu sidoo kale soo jiidan doono labada naadi ee West Ham iyo Spurs.

Weeraryahanka ayaa seddex sano uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Cegeka Arenaand, waxaana Genk ku qiimeysay adduun dhan 20 milyan ginni.

Onuachu ayaa wacdaro ka dhigaya goolka hortiisa ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 12 gool 18 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan