Home / Habka-Nolosha / Arsenal oo 24saac kusoo gebagabeyneysa saxiixa Jamie Vardy

Arsenal oo 24saac kusoo gebagabeyneysa saxiixa Jamie Vardy

Jamie Vardy ayaa 24 saacadood kaddib noqon doona laacib ka tirsan kooxda kubadda cagta Arsenal sida ay ku waramayaan wararka ka ag dhow kooxda Gunners oo Waqooyiga London ka dhisan.

Arsenal ayaa wadahadal toos ah la furtay 29 jirkaan iyadoo macallin Arsene Wenger uu diyaar u yahay bixinta lacagaha lagu burburin karo saxiixa xiddigan.

Daily Mail ayaa ku warameysa in kooxda kubadda cagta Arsenal ay soo afjari doonto saxiixa laacibkaan oo keliya ay heshiiska ka harsan tahay ku dhawaaqista.

Vardy waxa uu maallinta Isniinta meteli doonaa qarankiisa oo ka qeyb galaya koobka qaramada qaaradda Yurub iyadoo macallin Hodgson uu ka mamnuucay cayaartoydiisa inay maraan baaritaano caafimaad ama u dhaqaaqaan kooxo kale.

Vardy ayay u badan tahay inuu heshiis afar sano ah u saxiixo Arsenal isagoo toddobaadkii qaadan doona adduun lacageed dhan  £120,000 toddobaadkii, waana labo jibaarka inta uu iminka usbuucii helo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan