Himilo FM– Arsenal ayaa u dhaqaaqday khadka dhexe kooxda Sampdoria ee Dennis Praet si ay beddel ugu dhigaan xiddiga Aaron Ramsey, kaasi oo si bilaash ah ugu biiraya Juvemtus dhammaadka fasal ciyaareedkan.
Gunners ayaa la filayaa inay soo qaadato khad dhexe cusub xagaagan, Ramsey ayaana ka baxaya kooxda gaar ahaan booska dhexe.
Sida ay ku warameyso Corriere dello Sport, Unai Emery ayaa doonaya soo qaadashada Praet, kaasi oo ay macquul tahay in lagu iibsado £17m oo Gini marka uu furmo suuqa xagaagan.
Praet –ayaa seddex ciyaar u dheelay qaranka Belgium, waxa uu Sampdoria kaga soo biiray Anderlecht sannadkii 2016-kii tan iyo markaasi waxa uu ciyaaray 101 kulan dhammaan tartamada.
Xilli ciyaareedkan, xiddigan khadka dhexe kubadda ka hagaajiya ayaa dhaliyey laba gool iyo laba caawin kaddib markii uu garoonka soo galay 32 ciyaar.