Home / Cayaaro / Arsenal oo diiday dalab Roma ay si rasmi ah kula wareegayso Mkhitaryan

Arsenal oo diiday dalab Roma ay si rasmi ah kula wareegayso Mkhitaryan

Himilo- Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab uga yimid Roma oo la xiriira ciyaaryahanka Henrikh Mkhitaryan sida ay qortay Forza Roma. Roma ayaa dooneysa inay Mkhitaryan kula wareegto heshiis joogta ah suuq furanka bishan.

Ciyaaryahanka reer Armenia oo ku biiray kooxda ka dhisan waqooyiga London bishii Janaayo ayaa u wareegay kooxda caasimadda Talyaaniga kaddib markii uu ku guuldareystay in uu xiiso geliyo tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery.

Isaga oo seegay kulamdii furitaanka xilli ciyaareedkan sabab ku qotanta dhaawac, Mkhitaryan ayaa dhaliyay seddex gool oo Serie A ah sagaal kulan oo uu ciyaaray.

Marka la eego Forza Roma, Gunners ayaa diiday dalabka Roma ee ciyaaryahanka oo ku kacaya £8.5 Milyan.

Paulo Fonseca, maamulaha kooxda Roma ayaa la rumeysan yahay in uu la dhacay ciyaaryahanka oo soo bandhigay xirfad sarre intii uu joogay Roma.

Kooxda Roma ayaa sidoo kale daneynaysa inay xaqiijiso heshiis rasmi ah oo ay kula soo wareegto difaaca Man United Chris Smalling oo macno badan ka sameeyay Serie A-da Talyaaniga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan