Home / Cayaaro / Arsenal oo heshiis horudhac ah la galeysa Antonio Conte

Arsenal oo heshiis horudhac ah la galeysa Antonio Conte

Himilo – Arsenal ayaa la soo weriyay inay heshiis horudhac ah la gaartay tababare Antonio Conte oo lagu waddo inuu xilka kala wareego bisha soo socota Mikel Arteta.

The Gunners ayaa xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska ku bilowday dhibco iyo goolal la’aan kadib markii ay guul darro kala kulmeen Brentford, Chelsea iyo Manchester City.

Todofichajes ayaa soo tebisay in Edu agaasimaha kooxda uu heshiis horudhac ah la galay tababare Antonio Conte oo lagu wado inuu shaqada ka ka beddelo Mikel Arteta bisha October.

Conte ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Arsenal ka hor inta aysan dhammaanin bisha soo socota ee October.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan