Home / Habka-Nolosha / Arsenal Oo Juventus Xidig ka dooneysa.

Arsenal Oo Juventus Xidig ka dooneysa.

Kooxd Londonka dhisan ee Arsenal ayaa dooneysa burburiyaha reer France iyo kooxda Juventus Mario Lemina.

Jariiradda talyaaniga kasoo baxda ee Calciomercato ayaa ku warameysa in Watford ay qiimo dhan 20 Malyan Oo Pound miiska u saartay Juventus, halka Gunners lagu soo waramayo iney xidigaan ku dooneyso aduun dhan 16 Malyan Oo Pound.

Si kastaba wararka ayaa intaas ku daraya in xidigaan reer France uu iska diiday fursad uu ugu biiro kooxda Watford, taasoo ka dhigan iney fursad u tahay kooxda Gunners oo xidigaan lala xiriirinayo.

Arsene Wenger ayaa lasoo saxiixday xagaagan Granit Xhaka oo khadka dhexe ka ciyaara, balse macalinka reer France wuxuu doonayaa inuu kooxdiisa ka xoojiyo wali khadka dhexe.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan