Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa Emirates kusoo dhaweysay dhigeeda Watford kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.
Weeraro isdaba joog ah oo Arsenal ay qaaday, yoolkeedii waxay hiigsatay daqiiqaddii 4aad, markii goolka koowaad uu shabaqa cujiyay Alexis Sanchez.
Markale Sanches ayaa goolkii labaad ku lug lahaa, wuxuuna daqiiqaddii 38aad gool ka caawiyay Alex Iwobi.
Qeybtii hore oo cayaarta ayaana lagu kala maray wiilasha macallin Wenger oo hogaanka ku haya 2-0.
Markii la isku soo laabtay Hector Bellerin ayaa daqiiqaddii 48aad Gunners u dhaliyay goolkii saddexaad oo cayaarta.
Theo Walcott ayaa daqiiqaddii 90aad cayaarta soo gebagabeeyay isagoo dhaliyay goolkii 4aad oo cayaarta, waxayna ku soo idlaatay waqtigii loogu talo galay 4-0.
Arsenal ayaana iminka 4 dhibcood u jirta kooxda ka horeysa Spurs oo barbaro kala kulantay Liverpool.