Home / Habka-Nolosha / Arsenal oo ku qasbanaan doonta inay qarash bixiso si cayaartoy hor leh ay u soo iibsato

Arsenal oo ku qasbanaan doonta inay qarash bixiso si cayaartoy hor leh ay u soo iibsato

Daafacii hore ee Arsenal Martin Keown ayaa sheegtay in macallin Arsene Wenger uu ku qasbanaan doono inuu lacag qarash gareeyo dhammaadka xagaaga marka suuqa kala iibsiga dib loo furo, si uu u sii heysto xiddigaha kooxdiisa muhiim u ah ee kala ah Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Waxaa lagu soo waramayay in Sanchez iyo Ozil ay ka fekerayaan halkii ay qaban lahaayeen mustaqbalka dhow maadaama markale kooxdu quus ay ka joogto loolankii ay ugu jirtay hanashada horyaalka Ingiriiska.

Keown ayaase kalsooni ku qaba in kooxdu xiddigahan sii heysan karto, weliba ay ka saxiixan karto heshiisyo dheeri ah oo waqti fog kusii heyn doona Emirates, waase haddii Wenger uu suuqa galo oo soo xero geliyo cayaartoy kale oo magac leh.

“Waxaan u maleynayaa inuu suuqa geli doono. Aad bay u sahlanaan doonta in heshiisyo kale laga saxiixo Sanchez iyo Ozil haddii kooxdu ay la soo wareegto xiddigo kale oo tayo sare leh.” Keown ayaa intaa la wadaagay Daily Mail.

Arsenal ayaa u safri doonta dhigeeda Sunderland oo ay la soo dheeli doonto kulan ka tirsan Premier League maallinta berito ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan