Home / Habka-Nolosha / Arsenal oo sanadkan joojisay qabashada Emirates Cup

Arsenal oo sanadkan joojisay qabashada Emirates Cup

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si sanadle ah u qabata koobka Emirates Cup oo qabsooma kahor xagaa walba, hayeeshee sanadkan kooxda ayaa baahisay in tartankaa uusan dhici doonin.

Gunners ayaa tartankan u baajineysa qorshe la xiriira dib u dhis iyo tayactir ay ku sameyneyso gegada Fly Emirates.

Qorshaha dib u habeyn garoonka ayay Gunners bilaabi doontaa durba marka xagaagu uu idlaado 15ka bisha May.

“Waan ognahay sida uu caan u yahay koobka Emirates Cup iyo muhiimadda uu u leeyahay taageerayaasheena kuwooda inta UK jooga iyo kuwa dunida dhinacyadeeda kale jooga, sidaa awgeed waan ka niyadjabsanahay inaynaan sanadkaan qaban doonin.” sidaa waxaa yiri madaxa fulinta Arsenal  Ivan Gazidis.

Koobkan ayaana la cayaarayay tan iyo sanadkii 2007, walow sanaddii 2012 loo hakiyay cayaaraha Olombikada oo London lagu qabtay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan