Home / Habka-Nolosha / Arsene Wenger oo ka dhawaajiyay in uusan daafac suuqa ka doonayn ilaa kulanka  Liverpool ay la qaadanayaan.

Arsene Wenger oo ka dhawaajiyay in uusan daafac suuqa ka doonayn ilaa kulanka  Liverpool ay la qaadanayaan.

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in aysan kooxdiisa Arsenal lasoo saxiixan doonin difaac dhexe, ka hor kulankooda furitaanka ee Premier League kaasoo ay foodda is darayaan Liverpool.

Isagoo hadlayay keddib Gunners guul ay gaartay oo kulanka ugu dambeeya ciyaaraha fasaxa ahaa oo ay la qaadatay City, ninkaan Faransiiska ah ayaa ku faanay dhallinyarada kooxda Rob Holding, Calum Chambers iyo Krystian Bielik kuwaas oo ku tartami kara booska Gabriel Paulista kulanka Merseyside.

Tani waxay u muuqataa hoos u dhac ku imaan kara kooxda Emirates haddii aysan helin difaac kale.

‘Waxay aheyd ciyaartii Man City mid loo aayi karo,’ ayuu yiri Wenger safkii aan ku wajahnay City unbaan u dooran doonnaa Liverpool.

‘Waxay aheyd aragti hore. Axadda iyaga ayaa lagu abaal marin doonaa.

Arsenal ayaa lala xiriirinayaa in ay soo qaadato Valencia difaaceeda dhexe Shkodran Mustafi keddib Per Mertesacker oo dhaawacmay, balse hadda ma dooneyso saxiix deg-deg ah.

Waxay sidoo kale iman doonaa Laurent Koscielny oo maskax falluuq ka qaaday Euro 2016 oo uu xulkiisa France soo gaaray Kama dambeys.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan