Himilo – Xiddigga qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Barcelona ee Artul Vidal, ayaa ku dhaw in heshiis rasmi ah ugu biiro kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee Gianluca Di Marzio.
Sabtigii, labada naadi ayaa isku afgartay heshiiska ciyaariyahankan heerka caalami ah oo ku kacaya 1-Milyan oo Yuro oo u dhiganta 1.18-milyan oo doolar.
Vidal ayaa u duuli doona waqooyiga Talyaaniga si loo dhammeystiro heshiiskiisa axadda ama isniinta berri ah. Waxey taasi ka dhigaan doontaa inuu markale soo muuqanayo horyaalka Serie A, shan sanno kadib markaas oo uu ka tagay kooxda Juventus kuna biiray Buyer Munich.
33-jirkan ayaa kamid ahaa ciyaartooy keydka uu fariisiyay macalinka cusub ee Barcelona Ronald Koeman, isaga oo Catalunya ku qaatay laba xilli ciyaareed.