Home / Cayaaro / Asamoah: ‘Waxaan dareemayaa inaan joogo guriga’

Asamoah: ‘Waxaan dareemayaa inaan joogo guriga’

Himilo – Kwadwo Asamoah wuxuu uga mahadceliyey Cagliari ‘fursadda’ wuxuuna wacad ku maray inuu ka caawin doono Casteddu ‘inay ka gudubto waqti adag’.

Xiddigii hore ee garabka uga ciyaari jiray kooxaha Inter iyo Juventus ayaa si xor ah ugu dhaqaaqay Sardinia wuxuuna 32 jirkaan u mahadceliyay qof walba oo ku sugnaa Casteddu.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo Cagliari,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id. “Waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo fursad i siiyay inaan doorto.Cagliari waa koox weyn, waana ku faraxsanahay inaan fursad u helay inaan halkaan imaado oo aan ka ciyaaro.”

Kooxda si wanaagsan ayey u dhisan tahay, waxaa ku jira ciyaartoy khibrad leh iyo xidigo dhalinyaro ah. ”

Asamoah ayaa ciyaaray 270 kulan oo Serie A ah intii uu joogay Italy, oo ay ku jiraan 134 kulan oo Udinese ah intii u dhexaysay 2008 ilaa 2012.

”Waxaan ku jirnaa waqti adag laakiin si wadajir ah ayaan uga guuleysan doonnaa.” ayuu sii raaciyay

“Waxaan ka ciyaari karaa boosas badan, laakiin tababaraha ayaa go’aansan doona. Waxaan diyaar u ahay inaan siiyo waxa ugu fiican kooxda iyo magaalada, taasi waa waxa aan ogahay sida loo sameeyo.

Xiddigii hore ee xulka Ghana ayaa saxiixay heshiis ilaa dhamaadka ololaha wuxuuna sheegay in soo dhaweyntiisa ay ahayd ‘cajiib’.

“Maalintii aan imid, waxaa la ii qaabiley qaab aan caadi aheyn,” ayuu yiri Asamoah. “Ma dareemayo sida ciyaaryahan cusub, waxaan dareemayaa inaan joogo guriga.

Cagliari ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 18-aad, iyadoo leh 15-dhibcood 21-kulan oo ay ciyaartay, waxa ayna isbuucaan marti galin doontaa kooxda Atalanta

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan