Himilo – Weeraryahanka Liverpool Divock Origi ayaa bartilmaameed u ah kooxda horyaalka Ingiriiska ee Aston Villa.
25 jirka ayaa muhiim u ahaa Reds ol-olaha 2019-20 isaga oo ka soo muuqday 42 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.
Cayaaryahanka qaranka Belgium ayaa heysta muddo afar sanno ah oo ka haray qandaraaskiisa Anfield laakiin waa uu ka tagi karaa kooxda Klopp sabab la xiriirta in aan lagu soo bilaabin kulamo badan xilli cayaareedka dhammaaday.
Sida laga soo xigtay The Sun, Villa oo ka badbaaday in ay dib uga laabato horyaalka Ingiriiska ayaa xiiseynaya laacibka da’da yar.
Origi ayaa dhaliyay 34 gool 140 kulan oo uu u saftay Liverpool.