Home / Habka-Nolosha / Atletico Madrid oo xawaaraheedii la hakiyay loona awood sheegtay

Atletico Madrid oo xawaaraheedii la hakiyay loona awood sheegtay

Kooxda booska labaad horyaalka La Liga fadhisa Atletico Madrid ayaa booqatay kooxda Sporting Gijon oo kulan ka tirsan horyaalka La Liga ay waada dheeleen.

Antoine Griezmann ayaa daqiiqaddii 29aad furay akoonka gool dhalinta kulanka markii uu shabaqa u soo taabtay kooxda Atletico Madrid oo qeybtii koowaad oo kulanka 1-0 ku hogaamineysay.

Antonio Sanabria ayaa daqiiqaddii 79aad goolka barbaraha u soo celiyay kooxda Sporting Gijon, iyadoo daqiiqaddii 89aad uu goolka guusha u dhaliyay Carlos Castro oo caawin ka helay Jony.

Cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galey kusoo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Sporting Gijon.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan