Home / Dibadda / AU oo diidday ergada joogtada ah ee Israel

AU oo diidday ergada joogtada ah ee Israel

Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale dib u dhigay xubinnimada kor joogtada ah ee Israel ku yeelaneyso Midowga Afrika.

Dood ayaa Sabtigii ka dhalatay markii Ergay ka socday Isarel lagu arkay fadhiga meertada 36aad ee Madaxweynayaasha Midowga Afrika waxaana la baahiyay muuqaal isaga oo ay waardiyayaasha ka saarayaan fadhiga.

Israel ayaa tallaabadaas ku tilmaantay afduub iyo naceyb ay ka dambeeyaan Koofur Afrika iyo Aljeeriya oo taageero ka helaya cadowga Israel ee Iran.

Israel ayaa sheegtay in diblomaasiga uu heystay casuumaadda ka qeybgalka shirka laakiin ay tallaaba xun qaadeen Koofur Afrika iyo Aljeeriya.

Sanadkii hore ayaa codsiga Israel la horkeenay fadhiga Golaha Midowga Afrika waxaana loo saaray Guddi madaxweynayaal ah oo ka soo shaqeeya kuwaas oo aan wali soo celin jawaabtooda.

Koofur Afrika iyo Aljeeria waxaa ay u doodaay xuquuqda Falastiiniyiinta,waxaana joogitaanka Israel ee shirka Midowga Afrika ku sheegeen meel ka dhac sumcadeed iyo khilaafka go’aanka AU ee aragtida Israel iyo Falastiin.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan