Home / Deegaan / Australia: Buurta gubaneysa 6-kun ee sano

Australia: Buurta gubaneysa 6-kun ee sano

Himilo – Tixanaha dhuxuleed ee xiriirsan 30-ka mitir ee ku dhinac yaalla buurta Wingen ee dalka Australia ayaa holcaya muddo ku siman lix kun oo sano, dabkaasi oo noqoday midkii ugu mudada dheeraa ee soo mara caalamka.

Dabka qabsada dhuxulaha ku jira lakabka hoose ee dhul waa wax dhaca badanaa waxaana tusaalle looga dhigi karaa midkii ka kacay degaanka dhuxusha laga faago ee Jharia ee dalka India, kaas oo hurayay 100 sano. Waxaase midkan callaamad cajiibka dul-dhigay waqtiga dheer ee uu holcayo, sida lagu daabacay nationalparks.nsw.gov.au oo ah mareeg ay leedahay dowladda Australia.

Saynisyahannadu waxey rumeysan yihiin  in dabkaasi uu markiisii hore ka dhashay biriq amaba dab, wuxuuna si aayara ugu fiday tixanaha, isaga oo sanadkiiba baabi’iya dhul hal mitir ah. Lama oga xilliga rasmiga ah ee uu billawday, balse lixda kun ee sano ee uu holcayo waxa uu burburiyay dhuxushii ku aasneyd dhul dhirirkiisu yahay 6.5KM.

Sanadkii 1829-kii ayey ahayd markii culumo dhulka ku takhasustay ay ogaadeen in dabka buurta Wingen uu ka mid yahay kan ka qabsaday dooxada Hunter ee waqooyiga magaalada Sydney.

Wingen oo magaceeda loo rogay buurta gubaneysa ayaa waxey tahay goob-dalxiisayaasha ay booqdaan sanad waliba, waxaana illaa iyo maanta lagu arkayaa qiic ka baxaya buurta hareeraheeda.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan