Australia: Buurta gubaneysa 6-kun ee sano

Himilo – Tixanaha dhuxuleed ee xiriirsan 30-ka mitir ee ku dhinac yaalla buurta Wingen ee dalka Australia ayaa holcaya muddo ku siman lix kun oo sano, dabkaasi oo noqoday midkii ugu mudada dheeraa ee soo mara caalamka.

Dabka qabsada dhuxulaha ku jira lakabka hoose ee dhul waa wax dhaca badanaa waxaana tusaalle looga dhigi karaa midkii ka kacay degaanka dhuxusha laga faago ee Jharia ee dalka India, kaas oo hurayay 100 sano. Waxaase midkan callaamad cajiibka dul-dhigay waqtiga dheer ee uu holcayo, sida lagu daabacay nationalparks.nsw.gov.au oo ah mareeg ay leedahay dowladda Australia.

Saynisyahannadu waxey rumeysan yihiin  in dabkaasi uu markiisii hore ka dhashay biriq amaba dab, wuxuuna si aayara ugu fiday tixanaha, isaga oo sanadkiiba baabi’iya dhul hal mitir ah. Lama oga xilliga rasmiga ah ee uu billawday, balse lixda kun ee sano ee uu holcayo waxa uu burburiyay dhuxushii ku aasneyd dhul dhirirkiisu yahay 6.5KM.

Sanadkii 1829-kii ayey ahayd markii culumo dhulka ku takhasustay ay ogaadeen in dabka buurta Wingen uu ka mid yahay kan ka qabsaday dooxada Hunter ee waqooyiga magaalada Sydney.

Wingen oo magaceeda loo rogay buurta gubaneysa ayaa waxey tahay goob-dalxiisayaasha ay booqdaan sanad waliba, waxaana illaa iyo maanta lagu arkayaa qiic ka baxaya buurta hareeraheeda.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan