Home / Habka-Nolosha / Australia: Qoysaska Muslimiinta oo carruurtooda baraya inay soomaan

Australia: Qoysaska Muslimiinta oo carruurtooda baraya inay soomaan

Himilo ­­– Qoysaska muslimiinta ee ku nool Australia ayaa billaabay inay carruurtooda barayaan soomidda iyaga oo aan gaarin da’dii qaan-gaarka ee uu ku waajibayay.

Shamza Gaffoor waa hooyada labo gabdhood oo kala jira shan iyo toddobo sano, warbaahinta ABC waxay u sheegtay inay carruurteedu billaabeen inay soomaan.

Shahana oo ah gabadheeda weyn ayaa soomeysa sanadkii labaad inkastoo aysan bisha wada dhammeystirin, balse waxay ku jirtaa sii barasho.

“Soomidda mararka qaar way adag tahay, mararka qaarna way fududahay.” Shahana oo sanadkii hore shahaado u heshay soonkeeda ayaa sidaas tiri.

Ms Gaffoor waxay sheegtay inay muhiim tahay in carruurta lagala sheekeysto sidii ay u soomi laahaayeen. Waxay xustay in gabadheeda weyn ay sanadkan ay soontay ilaa hadda sagaal maalin.

Dr Ruhina oo ah dhakhtar carruur ayaa sheegtay in soomidda carruurta ay tahay is-xil-qaan, waxay intaa ku dartay in ubadka lagu dhiiri geliyo inay maalintii saacado soomaan ugu yarana.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan