Home / Haweenka / Ayeeyo 16 sanno jir ah

Ayeeyo 16 sanno jir ah

Himilo – Raizel Calago waa 16-jir, laakiin marna ma malaynaysid markaad eegto inay da’daasi jirto, waxay la il daran tahay xaalad dhif ah oo loo yaqaanno progeria, taasoo ka dhigaysa inay u ekaato afar laab da’deeda.

Labo sanno kahor, Raizel waxay aheyd gabar yar oo qurux badan oo ka qeyb gashay tartamada quruxda hablaha ee waddankeeda, balse waxaa haleelay cudur oo ka dhigay muuqaalkeeda haweeney da ’ah, dad badanina waxa ay ku qaldaan inay tahay ayeeyo.

Gabadhan yar ee reer Filibiin ayaa sheegtay inay bilowday inay dareento laalaab maqaarkeeda galaya,  maalmo uun kaddib markii finan ka soo baxeen jirkeeda oo dhan.

Baro guduudan oo cuncun leh oo taabashadooda ay ku damqaneyso ayaa ka muuqda jirkeeda, markii ay tagtay baaritaan waxaa loo sheegay inay ka dhasheen cayayaan. Waxaa la siiyay daawo, laakiin taasi ma caawin, hayeeshee durbadiiba waxay bilowday inay dareento isbeddel xagga muuqaalkeeda ah. Hadda, way adag tahay in la aamino inay jirto da’ahaan 16 sano.

“Waa xanuun, markii ay ii sheegaan inay gabadheyda u eg tahay mid iga da’weyn, mararka qaar, waxaan suureystaa markay weynaato oo aan arko sida ay u qurux badnaan karto”. Raizel hooyadeed, Joela oo 36 jir ah ayaa sidaasi tiri.  

“Way qurux badnayd tan iyo yaraanteedii laakiin hadda, wejigeeda, aad bay uga fog tahay quruxdeeda markii ay yarayd.” ayay raacisay hadalkeeda.

Tan iyo markii uu muuqaalkeedu is-beddelay, gabadhan 16-jirka ah ayaa aad uga xishoon jirtay inay saaxiibbadeed la wadaagaan sidii ay ahaan jirtay. Waxa kale oo ay ka fogaataa in ay dibadda u baxdo iyada oo aan wadan  Afsaab, waayo waxay ka xishootaa sida ay u egtahay. Waxa kaliya oo ay rabto waa in arrimuhu dib ugu noqdaan sidii ay ahaan jireen laba sanno kahor.

“Waxay i weydiiyaan sababta muuqaalkaygu u gaboobay. Uma jawaabo iyaga maxaa yeelay sidoo kale ma garanayo waxa dhacay, Waxaan had iyo jeer ku duceystaa inaan ka fiicnaado xanuunkan oo maqaarkii hore iyo muuqaalkiiba dib iigu soo noqdaan. Hadday sidaas tahay, waxaan awoodi doonaa inaan mar kale la joogo saaxiibbaday. Hadda ma awoodo sababtoo ah waan ka xishoonayaa. ” ayay tiri Raizel.

Nasiib-darrose, isbeddellada jireed ee ay keento xaaladan loo yaqaano progeria waa mid aan laga noqon karin, sidaa darteed dhakhaatiirta oo dhan ayaa hadda samaynaya intii karaankooda ah si ay uga hortagaan dhibaatooyinka wadnaha iyo xididdada dhiigga, daaweeynta lafo-beelka iyo dhibaatooyinka kala goosyada, oo ah labada ugu saameynta badan xanuunka ee progeria.

Waalidiinta Raizel ma haystaan lacag ay ku bixiyaan daawaynta lagama maarmaanka u ah gabadhooda, waxayse codsadeen in laga gacan siiyo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan