Himilo – Haddii ay jirto hal arrin oo laga tilmaami karo Jihad Mohamed, waa nafhurnimadeeda xeesha dheer.
Dhawaan haweeneydan 85 jirka ah oo kasoo jeeda xaafadda al-Mujaydil ee Dhulka Falastiin waxay shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Kafr Bara.
Noqoshada ardaygii ugu da’da weynaa ee ka qalinjebiya Jaamacadda, Jihad sheekada nolosheeda waxay qabsatay baraha bulshada iyo hadalheyn qaran oo qisadeeda lagu halqabsado.
Laakiin bilowga nolosheeda ma ahayn mid ay kula kowsatay xasilooni iyo nabad. Waxaana ay kamid ahayd dadkii sida qasabka ah looga raray ama laga barakiciyay degaankooda sannadkii 1948. Waxaana la lagu qasbay in meel u jirta gurigooda lix km ay degaamaystaan.
Safarkaasuna ma ahayn mid sahlan. Mararka qaar waxaa dhici jirtay in duqeymo aan loo meel dayin lala beegsado degaannadooda.
Iyada oo ka hadlaysa sida ay ugu soo dhabar-adeygtay waxbarashada waxay tilmaamtay in seygeeda iyo ilmaheedu ahaayeen dhiirigeliyayaasha iyo taageerayaasha koowaad ee nolosheeda.
Xasilooni darrida iyo dagaallada ka jira dalkeeda, waxay dhowr jeer ku kalifeen inay hakad geliso tacliinta iyo inay buuxiso kaalinta hooyonimo ee laga rabo. Hal midse waligeed Kuma fikirin — inay isaga harto waxbarashada ama ay ka quusato yoolka u sawiran.
Inta noloshu baaqiga tahay, qofna kama duqoobi karo waxbarashada. Waqti Isla eg ayaanu wada heysanaa dhamaanteen’ ayay tiri.