Himilo – Qaadku waa aafo ay la nool yihiin dad badan oo soomali ah, waxa uu saameyn xooggan ku leeyahay qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaa ku kala tagay qoys iyo qaraabo, waxaa ku kala irdhobay labo isla dhalatay iyo labo isdhashay, wuxuu ka saameeyay Soomaalida dhan waliba ha ahaato dhan bulsho, dhan caafimaad.
Qaadka meeshii ugu horeysay ee laga beero waxaa la sheegaa in ay ahayd bariga Africa gaar ahaan waddanka Ethiopia inkastoo ay jiraan dad aaminsan inay Yaman ku horeysay Beerista geedka Qaadka.
Cilmi baaris ay sameysay Rugta Cilmi barista Amaanka Carabta waxaa lagu ogaaday geedka qaadka in uu ka baxo 4,000 ilaa 9,000 cag cabbirka badaha. Waxaa la qiyaasaa in uu gaaro dhirarka geedka qaadka 1M ilaa 2M marka uu ka baxayo buuraha dushooda Sare, halka marka uu ka baxayo buuraha guntooda hoose uu gaaro ilaa iyo 6m, marka uu heysto biyo baaxad leh dhirarkiisu intaas wuu kasii koraa.
Waxaa la wariyaa in markii ugu horreysay ee Soomaaliya uu soo galayay inay bilaabeen cunistiisa dad sheegaya inay doonayaan in ay cibaadeystaan habeenkii si ay u soo jeedaan waxay cuni jireen qaadka. Markaas kadib wuxuu isticmaalkiisu u gudbay darawalada wada gawaarida, sida ay habeenkii u guureeyaan, sidaasi ayuu ku soo galay Soomaaliya qaadka sida uu aaminsan yahay Pro Maxamed Cabdi oo qoray Buuga ‘Hadimoyinka Qaadka’
Soomaaliya dhowr mar ayaa laga mamnuucay Qaadka.
-Ingiriisku waxuu qaadka Ka mamnuucay Labo jeer horraantii Afartamaadkii iyo Kontomaadkii
-Talyaanigu Waxuu ka mamnuucay Koofurta Sanadkii 1952-kii
-Dowladdii Dhexe ee soomaaliya ayaa sidoo kale dadka Ka mamnuucday cunista Qaadka sanadkii 1983-kii.
Baaritaan ay sameysay hey’ada caafimaadka u qaabil-san Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa sanadkii 1975-kii waxaa la’ogaaday Qaadka inay ku jiraan in ka badan 40 Maado oo darooga ah waxaana ugu sareysa maadada (Katanoon) oo ah midda qofka gaarsiisa heer waali ah, Maadada katanoonka waxay gaarsiisan tahay daroogadeeda midda laga baaro ciyaartoyda ciyaara orodada oo ay ku muteystaan haddii lagu arko Jirkooda maadadaasi ganaax ciyaaraha looga mamnuuci karo.
Qofka qaadka cuna waxaa lagu sifeeyaa in uu lamid yahay qof dagaal ku jira oo kale ‘Jirkiisuna waxuu soo daayaa dheecaanada lasoo daayo marka uu jirko dagaal ku jiro sidaasi owgeed qofka qaadka cuna mar-waliba waxaa laga filan karaa dagaal si uu ula fal galo dheecaanada qaldan ee uu soo deynayo jirkiisa. Qaadku waxuu dhibaato xoogan ku keenaa dhaqaalaha qaranka iyo midka qoyska isagoo bur-buriya dhaqanka iyo jiritaanka bulshada
Hadaba maxaa naga soo gala dowladaha beera qaadka ee soomaaliya u soo dira oo malaayiin doolar qorraxdii soo baxdaba Naga gur’ta? Mase isweyndiisay Mustaq balka Jiilka kuwaabariista waalidiintooda oo ku hor cunaya? Su’aalahaasi Aqristow adiga ayay ku horyaalaan….
Qore Cali Hilowle