Nairobi – Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu qaadan waayay sida haweenku ugu soo labistaan Kaniisadda.
“Kaniisadayda waa la dhihi jiray Nyalgosi God’s Call Church of East Africa, hayeeshe hadda waxaa lagu magacaabaa Nyalgosi Jamia Masjid,” Baadari Charles Okwany oo hadda la baxay magaca Ismaaciil ayaa u sheegay The Nairobian.
“Intii aan ku jiray shaqadayda baadarinimada, waxaan ku socdaalay Malindi, Mombasa, Nairobi iyo Tanzania si aan Bible-ka ugu yeero dadka.”
“Waxaan sidoo kale ka faa’iideystay fursadda ah barashada sinnaanta akhlaaqda shacbi ee diimaha Kiristanka iyo Islaamka, waxaana aan ogaaday in Islaamku uu yahay diinta ugu fiican ee Alle loogu dhawaado.”
“Farriimaha bible-ku ma ahan kuwo dhiirri-gelinaya labisashada habboon. Waana nasiib-darro in haweenka qaar ay goonno aad u gaaban oo cawradooda muujinaysa usoo qaataan Kaniisadaha,” ayuu sii raaciyay.
Okwany wuxuu safarkiisa barashada Islaamka ka bilaabay booqasho uu ku sameeyey hoggaanka Muslimiinta magaalada Kisii kaas oo u sharraxay diinta. Waxaana kadib la baray culumada Ragwe Imam iyo Mustafa Saoke.
Bishii September 26, Okwany wuxuu qaatay Islaamka waxaana la islaamay 23 kamid ah xubnaha kaniisaddiisa.
Hadda, Masjidku wuxuu leeyahay jamaaco ku dhow 63 qofood kadib markii 30-meeyo kale ay iska soo diiwaan-geliyeen degmada Kagan.
Noqoshada Muslim, Okwany wuxuu doonaya inuu in badan kororsado cilmiga diintiisa.
Wuxuuna dadka ugu yeeray in Islaamka aan lagu koobin ama loo arag mid ay leeyiihiin Soomaalida iyo Carabta. “Waa diin caalami ah oo dunida oo dhan ka dhaxaysa,” ayuu yiri.