Home / Arrimaha Bulshada / Baahida ka jirta Isbitaallada iyo Bukaannada la xanuunsan Covid-19

Baahida ka jirta Isbitaallada iyo Bukaannada la xanuunsan Covid-19

Himilo — Somaaliya waxay ku socotaa saadaal la’aan ka heysta halka uu ku dambeyn doono cadawga ilma-aragtida ah ee Covid-19 kaas oo soo ridanaya dad hor leh ayna dhimanayaan in badan oo muwaadiniin ah.

Dowladda Somaaliya waxay horay u qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka oo ay kamid tahay xiritaanka iskuullada iyo goobaha kale ee wax-barashada muddo laba toddobaad ah.

Waxaa kale oo xigay xirashada afsaabka ama gafuurxirka oo laga dhigay qasab marka la joogo goobaha la iskugu yimaado taas oo sida muuqata hadda dhaqan caadi ah ka noqotay bulshada caasimadda.

Halka ay tallaabooyinkaas u muuqdaan kuwo xadidaya faafitaanka xanuunka, haddana, waxay hal qeyb ka tahay la tacaaliddiisa. Goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Covid-19 waxaa la geeyaa Isbitaalka Martini oo ay dowladdu ugu tala-gashay in lagu karantiilo bukaannada. In kasta oo bahda caafimaadka ee safka hore kaga jira dagaalka ka-dhanka-ah Corona Virus, haddana waxaa aad ugu yar qalabka iyo tasiilaadka ay u baahan yihiin si ay usii joogteeyaan dadaalkooda.

90% isbitaallada dowladdu ugu tala-gashay inay qaabilaan bukaannada qaba Covid-19 waxaa gabaabsi ku ah qalabka oksijiinka lagu neefsado ama si kale marka loo dhigo sariiraha qeybta ICU-da oo la jiifayo dadka uu xanuunku ka qaaday neefsiga oo ay qasab tahay inay helaan oksojiin ay ku neefsadaan waxay noqonayaan tan dhaaf aan maareyn karin qaabilaad hor leh.

Fal-celin ballaaran oo aan laga helin dhinaca dowladda oo la xiriirta soo saarista iyo keenidda qalabka neefsiga, waxay isbitaallada qaar ku qasabtay inay joojiyaan qaabilaadda bukaannada qaba xanuunka kuwaas oo loola soo degdegay xagooda.

Toddobaadyadii dambe, waxaa jiray taakulo ka timid samafalayaal gudaha ah sida hey’adda Hormuud Foundation taas oo ku deeqday qalabyada haamooyin badan oo oksijiin ah si adeegyada isbitaalku uu shacabka u hayo aysan u istaagin.

Walina dadaalladu waa kuwa is-dabayaal ah. Balse marka la is barbardhigo baaxadda qalabka loo baahan yahay iyo tirada bukaannada la xanuunsanaya kuwaas oo, warbixinnada wasaaradda  marka loo eego, aad isu soo taraya, waxaa la oran karaa Faanoole fari kama qodna.

15 bishan ayay ahayd markii dowladdu heshay tallaalka Covid-19 oo bilowgii sannadkan dalal badan oo Afrikaana soo gaaray oo lagu wado inay kahortag iyo soo kabasho u noqoto bukaannada qaba xanuunka iyo bahda caafimaadka ee safka hore uga jira la tacaaliddiisa.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in dadka da’da ah ee qeyb ahaan u nugul xanuunka inay qaadaan in la siiyo tallaalka si difaaca jirkoodu loogu xoojiyo kahortagga feyruska.

Hayeeshe, waa gelinta adduun adag iyo xoog badan hubsashada in dalku helo qalabka neefsiga si nolosha bukaannada xanuunka la ildaran loo gargaaro.

Waxaa muhiim ah in badbaadada bukaanka laga hormariyo beesada laga heli karo iibka haamada oksijiinnada oo sida muhiimka ah uusan qof walba awoodi karin qiimo ahaan. Waxaa la joogaa waqtigii ganacsigu noqon lahaa mid la jaal ah bulshadiisa oo xaaladda adag ee dalku ku jiro laga fikiro sida wadajir looga samata-bixi karo.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan