Bajaajle helay $ 50,000 oo dib ugu celiyay qofkii lahaa

Himilo – Bajaajle u dhashay dalka Liberia ayaa sameeyay ficil dad badan ku amaaneen,kaddib markii lacag gaareysa  $50,000 oo bac ku jirtay uu wado ka helay, waxa uuna ninkan lacagta geeyay goob amaan  ah si uu u helo qofkii lahaa oo baadi goob ugu jiray lacagtaasi.

Ninkan Bajaajlaha ahaa oo duruufo uga haray iskuulkii uu dhiganayay ayaa raadiyo ka dhageestay lacagtaasi oo la baafinayo, waxa uuna go’aansaday in uu dib ugu celiyo haweeney ganacsato aheyd oo lacagtaasi ka dhuntay.

Musu Yancy, oo aheyd haweeneyda lacagta ka luntay ayaa wiilkan ku abaal marisay xoogaa lacag ah, waxa ayna wiilkan daacada ah uga mahad celisay sida uu ugu soo celiyay lacagteeda.

Emmanuel Tuloe, ayaa falkan uu sameeyay kala kulmay amaan halka dad badan oo saaxiibadiis ku jiraan ku dhaliileen ficilka uu sameeyay kuna tilmaameen in uu faqri waligiis ku jirayo.

Ninkan Bajaajlaha ayaa kula taliyay dhalinyarada asaagiisa ah ee ku shaqeesta Bajaajta in ay dib u celiyaan lacagaha iyo alaabaha kale ee helaan, waxa uuna cadeeyay in daacadnimadu ka fiican tahay tuugnimada. Halyeeynimadiisii waxa ay u horseeday in lagu abaalmariyay mushahar bille ah.

“Waalidkey ima baraan sida wax loo xado sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan dib u celiyo lacagta,” ayuu yiri.

Sheekadan ayaa si weyn looga soo tabiyay Liberia oo ah dal sabool ah oo ay ku nool yihiin 5 milyan oo ruux oo weli ka soo kabanaaya dagaallo sokeeye oo socday laga soo bilaabo 1983 ilaa 2003, oo ay ugu sii darneyd  Cudurka Ebola oo saameeyay galbeedka Africa oo ay Liberia kamid tahay wadamada dhaca, sidoo kale dalkan ayaa la il daran sicir -barar aad u sarreeya iyo lacag -yari joogto ah oo saameysay shacabka dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, boqolkiiba 44 dadka Liberia waxay ku nool yihiin wax ka yar $ 1.9 maalintii.

Madaxweynaha  iyo xiddigii hore ee kubadda cagta George Weah ayaa Tuloe casuumay, isaga oo ku abaalmariyay$ 10,000 oo uu ku kasbaday daacadnimadiisa.

Weah, oo 55 jir ah, ayaa u ballan qaaday da ’yarkan deeq waxbarasho ilaa heerka masters-ka, wuxuuna ku magacaabay “ danjire daacad ah ”, oo mushaar ahaan u qaadan doona $ 500 bishii.

“Uma maleynayo inaan sabool sii ahaan doono sida saaxiibbaday ay saadaaliyeen,” Tuloe ayaa u sheegay AFP, isagoo sharraxaya in riyadiisu tahay inuu noqdo dhakhtar ama kalkaaliye caafimaad.

error: Copy lama Ogola Fadlan