Home / Cayaaro / Bale: Waan ogahay waxa aan sameynayo xagaaga

Bale: Waan ogahay waxa aan sameynayo xagaaga

Himilo – Gareth Bale ayaa sii shiday wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa kadib markii uu ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkiisii amaahda ahaa ee Tottenham.

Xiddiga reer Welsh weli hal sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa Real Madrid, halkaasoo uu ku laaban doono xagaagan.

“Kaliya waa inay dhacdaa ka dib Euros,” Bale ayaa ka yiri mustaqbalkiisa Sky Sports.

Waan ogahay waxa aan sameynayo laakiin kaliya waxay sababi doontaa fowdo hadaan wax idhaahdo hadda.

“Kama fikirayo wax aan aheyn Wales. ”

Bale ayaa dhaliyay 16 gool dhammaan kulamadii uu u saftay Spurs xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan labo ka mid ah maalintii ugu dambeysay ee uu ka horyimid Leicester si uu u xaqiijiyo u soo bixitaanka Europa Conference League.

Bale ayaa si dhaqso leh ugu soo biiri doona xulka Wales ee Euro ka hor inta aysan wajihin Switzerland kulanka ugu horeeya ee kulamadooda group-ka June 12-keeda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan