Home / Macluumaad / Ban-dhigga Buugaagta oo maalintii 2aad socda.

Ban-dhigga Buugaagta oo maalintii 2aad socda.

Muqdisho – Maalintii labaad waxaa Muqdisho ka socda ban-dhiga buugaagta ee Mogadishu Book Fair kaas oo maalintii shalay ahaa soo bilowday.

Sida caadadu ahayd, bandhigga maanta wuxuu isugu jiray khudbado kookooban, fikir is-weydaaris, falan-qeynta mowduucyada bulshada la xiriira iyo ugu danbeyn booqashada buugaagta ay qoreen qorayaasha.

Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay aqoon-yahanno maalintii labaad ku qornaa jadwalka kuwaas oo mowduucyada loo qoondeeyey aad ula qaadaa-dhigay ka qeyb-galayaasha.

Sidoo kale, lakabyada ugu sarreeya dowladda dhexe sida RW Xasan Ali Kheyre ayaa galabta booqasho ku yimid madasha – isaga oo qiimeeyey sida hufan oo ay ku socto ban-dhigga.

Qoraa Axmed Faarax Ali Idaajaa iyo aqoon-yahanno hore oo qoray buugaag afka iyo dhaqanka, siyaasadda iyo dowlad-wanaagga taabanaya ayaa kulanka maanta joogay. Idaajaa ayaa qoray buug la yiraahdo Silsiladda Xulka Suugaanta Soomaalida kaas oo daah-furkiisa ku faahfaafiyay nuxurka uu sido.

Axmed Dhicisow oo sidoo kale ah, tifaftiraha wargeyska Xamar iyo ruug-cadaaa saxaafadeed ayaa laba buug oo lagu kala magacaabo Gool iyo Raadadka Dowladdii Rayidka kusoo ban-dhigay carwada.

Buugga kale oo wadajir ku wada ay ku qoreen prof. Mustafa Feyruus, dr. Abdiraxman Baadiyow iyo Peter Chonka oo lagu magacaabo Xoojinta Cilmiga iyo Cilmi-baarista ayaa lagu daah-furay bandhigga.

Qorayaasha kale ee dibadda ka yimid oo af Soomaaliga mooyee afaf kale ku qoray waxaa kamid ah Dominique Alonga oo qoray Youth and Innovation: Unbounded oo  uu qoray Boniface Mwangi: Gumba goes on Safari oo uu qoray Karimi Gatimi: iyo Humble Reflection oo uu qoray Ibrahim Bidu.

Maalinta berri oo lagu wado in lasoo afmeero bandhigga waxaa si lamid ah lagu daah-furi doonaa buugaag kale waxaana la filayaa inuu kasoo qeyb-galo Madax-weynaha JFS, Maxamed Abdullahi Farmaajo.

Ban-dhigga MBF2017, wuxuu qabsoomayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah, waxaana taasi ay ka dhigan tahay inuu ku socdo niyad-samidii uu kaga baahnaa bulshada Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo umad af-maal oo aan heli karin fursad ay wax qariska iyo qoraalka ku baadi-goobto.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan