Home / Habka-Nolosha / Banaadir oo gaartay kama danbeysta koobka General Daa’uud

Banaadir oo gaartay kama danbeysta koobka General Daa’uud

Muqdisho – Kulan xiisa badan oo galabta ka dhacay garoonka Banaadir Stadium waxa uu dhex maray kooxaha Banaadir Sports Club iyo naadiga Saxafi Hotel, ciyaartaan waxa usoo daawasho tegay inta badan taagerayasha labada naadi.

Qeybta koowaad ee kulanka waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaaminayaan BSC waxaana u dhaliyey xiddiga u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Zimula Jalilu.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta naadiga Saxafi ayaa garoonka lasoo gashay dar-dar xooggan waxaana ugu danbeyn ay heleen goolka barbaraha waxaana u dhaliyey kabtanka kooxda  Maxamed  C/Raxmaan Mahdi, wuxuna kulanka ka dhigay barbaro 1-1.

Naadiga Banaadir Sports Club ayaa sameysay isku dayo badan waxayna ugu danbeyn ay heleen goolka guusha waxaana ciyarta 2-1 u beddelay laacibka Uganda u dhasya Simbwa Greofry.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacdey naadiga Banaadir Sports Club taasi oo maalinta khamiista Finalka la ciyaari doonta naadiga Horseed oo shalay iska xaadirisay kama danbeysta tartankaan kaddib gool ku laad ay kaga adkaadeen kooxda Dekedda.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan