Home / Habka-Nolosha / Banaadir SC oo cashar u meerisay Muqdisho City

Banaadir SC oo cashar u meerisay Muqdisho City

Kooxda kubadda cagta Banaadir SC ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Muqdisho City oo ay ku wada kulmeen gegada Banaadir Stadium.

Banaadir SC ayaa garoonka soo gashay iyadoo og guul ay gaarto kulankaa inay ka dhigan tahay hogaanka horyaalka inay ku qaban doonto lix dhibcood, hanashada horyaalkana ay ku durki doonto.

Qeybtii hore ee cayaarta ayayna Banaadir SC kala dirtay dhigeeda Muqdiso, markii ay afar gool iyo eber ku dhufatay.

C/risaaq Maxamed Cabdi ayaa saddexley israacsaday, halka goolka afaraadna uu sii daba dhigay Marcel Samsong.

Qeybtii labaad xiddigaha C/risaaq Maxamed, Daadir Amiin iyo Qeys ayaa fursado dahabi ahaa iska qasaariyay.

Kulan cayaareedkaa ayaana ku soo dhamaaday Banaadir oo 4-0 ku awood sheegatay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan