Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Banaadir SC ayaa kulan xiiso gaar ah lahaa ku wada dheelay gegada Banaadir Stadium.
Bilawgii cayaartaba weerar aan kala joogsi laheyn waxaa qaaday kooxda horyaalka daafacaneysa Heegan, waxayna kooxda ciidanka booliska iska qasaariyeen dhowr fursadood oo goolal loo fishay.
Kubbad uu ka helay banaanka gool diillineedka 18aad, waxaa toog ku dabo mariyay goolhayaha Banaadir cayaaryahanka lanbarka 18aad u qaata Heegan C/raxmaan Cusmaan Muudeey.
Goolka ay hogaanka ku qabatay Heegan ayuuna ahaa farqiga labada kooxood qeybtii koowaad oo cayaarta.
Dhibaatada ugu weyn oo qeybtii hore ku dhacday Banaadir SC ayaa aheyd in garoonka dhaawac looga saaray hogaamiyaheedii Daadir Amiin Daada xilli kooxda sidoo kale ay dhaawacyo uga maqnaayeen cayaartoy muhiim u ah oo ay kamid yihiin C/risaaq, Gacal iyo Imam.
Dhaawacyada hareeyay Banaadir ayaa fursad wacan siisay Heegan oo qeybtii labaad markii la isku soo laabtay halkeedii kasii wadatay weerarada joogtada ah oo ay qaadeysay.
Kabtan Jabriil Xassan Fariid ayaana kubbad qurux badan lugta u geliyay wiilka lanbarka 19aad Unwuudi Chebuese oo goolhayaha ula tegay iskase qasaariyay.
Dhowr fursad oo kale oo goolal loo fishay ayay iska qasaarisay kooxda Heegan, kubbad weerar celis ah oo lagu qaaday ayuuse garsoore Xasan Yabaroow Wiish laad furan ugu dhigay kooxda Banaadir SC, laadkaa markii ay tuurteen waxaa gool madaxa ugu dhaliyay daafacooda Ciise Ibraahim.
Cayaarta ayaana sidaa ku noqotay barbaro gool iyo gool ah oo labada kooxood ay garab siman isku arkaan.
Labada dhinac ayay soo mareen fursado kale oo goolal loo fishay, hayeeshee waqtigii loogu talo galay kulanka ayaa kusoo idlaatay barbarahaa.
Tan ayaana faa’ido u ah kooxda Banaadir SC oo ilaashatay diiwaanka ah in xagaagan aan dhankeeda dhulka la dhigin, xilli iminka ay afar dhibcood hogaanka ku heyso.