Home / Habka-Nolosha / Banaadir SC oo u baahan galabta inay guul gaarto si horyaalka ay u hanato

Banaadir SC oo u baahan galabta inay guul gaarto si horyaalka ay u hanato

Banaadir SC ayaa galabta gegada Banaadir Stadium kulan cayaareed muhiimad gaar ah u leh kula cayaari doonta kooxda Gaadiidka.

Kulankan ayaa si toos ah loo daawan doonaa saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm.

Waa kulankii 17aad oo kooxahan xagaagan horyaalka ka dheelaan iyo kii 82aad oo ay dheelaan xilli cayaareedkaan.

Gaadiidka waxay u muuqataa xagaagan koox sidii hore ka xoogan, dhowr cayaartoy oo da’yar, xirfad sarena leh ayay kooxdu xagaagan lasoo saxiixatay, qaarkooda Kenya ayay ka keentay.

Banaadir ayaase ah hogaamiyaasha horyaalka, guul ay cayaartan ka gaarto Gaadiidka ayaana ka dhignaan doonta in isla maanta ay u dabaal degi doonto hanashada horyaalka.

Guuldarro soo gaarto galabta kooxda Banaadir SC waxay ka dhignaan doontaa in kulankeeda u danbeeya ee xagaaga uu noqon doono sida Final, maadaama kulanka ugu danbeeya ay la cayaari doonto kooxda booska labaad Dekedda oo keliya saddex dhibcood ka hooseysa.

Banaadir SC ayaase ah kooxda guulaha badan marka ay wada cayaaraan Gaadiidka, Shan kulan oo hore labada koox u dhexmaray Banaadir saddex goor ayay guuleysatay, hal barbaro iyo guuldarro ayaana u dheer.

Haddii kulankan ay guul gaarto Banaadir waxay isla bugcadda Banaadir Stadium ugu dabaal degi doontaa horyaalkeedii afaraad tan iyo markii la aasaasay kooxdan 23 sano hortood.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan