Home / Habka-Nolosha / Banaadir SC oo xasuuq u geysatay Saxafi

Banaadir SC oo xasuuq u geysatay Saxafi

Kooxda Banaadir SC ayaa sii joogteysay kulamada aan dhankeeda dhulka la dhigin, waxayna markaan cashir qaraar u meerisay Saxafi FC si ay hogaanka u dheereysato.
Daadir Amiin hogaamiyaha kooxda Banaadir SC ayaa saddexley dhaliyay halka min hal goor ay shabaqa gaareen Cabdirisaaq Maxamed, Samsung iyo C/qadir C/raxmaan si ay nus darsin goolal ah u dhiibaan.
Guushaan ayaa Banaadir gayaysiisay inay sii dheereysato hogaanka horyaalka oo ay tagto 27 dhibcood.
Waa guushii afaraad oo Banaadir SC ay ka gaarto dhigeeda Saxafi kaddib lix kulan oo laba kooxood ay iska horyimideen, waana guushii labaad oo xagaagan ay ka gaarto kooxdan.

Kulankan oo uu dhexdhexaadinayay Garsoore Suleymaan Bashiir wax calaamad ah lama bixin, waana kulankii labaad oo horyaalka Soomaaliya oo aan calaamad la bixin.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan