Home / Habka-Nolosha / Bangladesh oo Taleefano amaah ah siineysa ardayda saboolka ah

Bangladesh oo Taleefano amaah ah siineysa ardayda saboolka ah

Himilo – Dowladda Bangladesh, ayaa tageera dhaqaale siineysa arday saboolka ah si ay ula jaan qaadaan cashirada habka fogaan aragga ah ku baxaya inta lagu jiro xayiraadda Feyruska Corona.

Lacagta oo deyn ah ayaa wajigeeda koowaad looga faa’iideeyay 23,587 arday oo wax ka barta 38 jaamacadood oo dowli ah, waxa uuna ardaygu lacagta u bixin karaa sida uu u awoodo.

Jaamacado kale oo ay ku jirto jaamacadda Dhaka ayaa iyana la gaarsiin doonaa mashruuca.

Arday walib oo dan-yar ah ayaa la siin doonaa lacag u dhaxeysa 119 illa 178 oo doolar, taas oo aan dulsaar lahayn, sida uu sheegay Kamal hussien, agaasimaha gudigga taakuleynta jaamacadaha.

Dowladda Bangladesh ayaa u aragta mashruucan mid caawin doona ardayda kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ee kamidka ah shanta boqol ee kun ee dhigata Jaamacadaha Bangladesh.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan