Home / Arrimaha Bulshada / Banki shaqaalihiisa haweenka ka mamnuucay inay uur yeeshaan!

Banki shaqaalihiisa haweenka ka mamnuucay inay uur yeeshaan!

Banki ganacsi oo ku yaala magaalada Shijiazhuang ee dalka Shiinaha ayaa haweenka shaqaalaha ah ee u shaqeeya ka dalbaday inay la yimaadaan codsi kahor inta aysan uur qaadin.

Wargeyska Daily Mail ayaa tilmaamay in mid kamid ah qoddobada sharciga ee u degsan bankiga uu farayo inay haweenayda iska soo rido cunugga haddii si khaldan u qaado oo loola jeedo marka aysan rukhsad ama fasax ka heysan maamulayaasha bankiga.

Haddii haweenaydu hareer marto sharciga oo ay diido oggolaanshaha madaxda islamarkaana uur qaaddo waxay wajahaysaa tallaabooyin adag.

Shaqaale kasta oo haweenay ah ayaa looga baahan yahay inay soo gudbiso codsi la xiriira inay dooneyso inay uur qaaddo billowga bisha Janaayo ee sanad kasta.

Mid kamid ah haweenka u shaqeeya bankiga oo aan la magac dhabin ayaa cabasho ka gudbisay bankiga kaddib markii ay uur qaaday iyada oo aan fasax ka heysan maamulaheeda lana ciqaabay.

Waxaa kale oo haweenayda aan heybteeda la shaacin sheegtay inay jiraan xaalado badan oo ku dhacay haweenka shaqo wadaagta yihiin oo aan la soo warin.

Si kasta, baaritaaan ay sameysay mareegtada Zhaopin ayaa muujiyay in 33% haweenka shaqaalaha ee Shiinaha laga jarto mushaaraadkooda marka ay dhalaan.

Waxay arrintan imaaneysaa xilli maamulka Shiinaha uu dhiira-gelinayo in lamaanaha yeeshaan cunug labaad.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan