Himilo FM – Ruushka waa mid ka mid ah waddamada ugu qabow dunida, barafku waxa uu u da’aa sida roobka! Balse bilowgii toddobaadkan dadka deggan magaalooyinka Kiselevsk iyo Prokopyevsk waxay ku waabariisteen barafkii caddaa ee jidadka warnaa oo isku bedelay madow sida dhuxusha ah!
Muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday isbedelkan laguna baahiyay baraha bulshada waxay walaac ku abuureen shacabka labada magaalo ee gobolka Kuzbass, waxay cabashadooda ku muujiyeen warbaahinta bulshada iyagoo sheegay inay khatar tahay ku noolaanshaha meelo u dhaw godadka dhuxusha laga qodo.
Waxa la soo weriyay in hadda ka hor barafka sida u madoobaada ama u wasakhooba lagu arki jiray keliya agagaarka magaalooyinka balse loogama baran Kiselevsk iyo Prokopyevsk waxay aheyd wax naadir ah, dadka deegaanka ayaa hadda ka welwelsan hawada ay neef ahaan u qaadanayaan maalin walba waxay xuseen inay tani tahay dhibaato adag.
Koox kormeerayaal ah oo ka socda hay’adda dawladda u qaabilsan deegaanka ayaa loo diray labo xarun oo lagu diyaariyo dhuxusha si ay u baaraan dhacdada, geesta kale maamulka hoosaadka labada magaalo ayaa ku dhawaaqay kulan ay la yeelanayaan shirkadaha macdanta si ay uga doodaan arrintan quseysa deegaanka.