Home / Arrimaha Bulshada / Barakaca dadka Soomaaliyeed oo noqday dhibaato aan baxnaanno laheyn

Barakaca dadka Soomaaliyeed oo noqday dhibaato aan baxnaanno laheyn

Himilo – Soddonkii sano ee tagay dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku sugan in badan oo ka mid ah waxay wakhtidooda ku qaadanayeen barakac ka dhaxalanayay duruufo kala duwan.

Waxyaabaha sal dhigga u ahaa guurguurka qoysaska oo weli socda waxaa ka mid ah musiibooyinka dabiiciga ah iyo gacan ka hadalka dhinacyada dhex mara.

Xogaha sanadlaha ah ee Soomaaliya waxaa safka hore kaga jira tirooyinka iyo tiro-koobyo lagu tilmaamayo dadka barakacay ee taakuleynta u baahan.

Sanadkan sida ku cad warbixinada ay soo saareen hay’adaha qaramada midooobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Somaaliya waxaa ku sugan 2.9 milyan qof oo gudaha barakac ku ah.

Hay’adda UNOCHA ayaa daabacday in Soomaaliya ay ka mid ah waddamada ay ku yaallaan xeryaha barakaca ee ugu badan dunida oo idil.

Abaarta xilligan ka jirta gobolada dalka ayaa saameysay 4.3 million ruux. 271,000 ka mid waxay guryahooda uga carareen biyo la’aan, cunno yari iyo daaq la’aan xoolaha ah.

74 degmo ka mid ah degmooyinka dalka dadka deggan ayaa la daalaadhacaya xagaa darran. Afar xilli roobaad roob fiican kama di’in degaanadooda.

Dhul beereedkii ayaa isku beddelay ban habaas leh, saddex sano iyo dheeraad laguma dhiirin in miigge loo qaato dhulka ama in lagu rido wax abuur sheegta.

Dadkii badarka bakaaraha ku aasan jiray ayay dantu badday inay magaalooyinka u hayaan iyagoo nolol raadis ah.

Beeraleydii ku tiirsanaa dhibicda roobka ayay dhibaatada abaarta aad u taabatay marka lala barbar dhigo kuwo matoorada waraabka u adeegsada.

Balse qiimo kororka ku yimid shidaalka ayaa beeraleyda qaar ku yeeshay saameyn ah inuu hoos u dhaco wax soo saarkooda.

Dhanka kale dadkii wax ku beeran jiray biyaha webiga Shabbeelle waxaa caqabad ku noqotay guridda iyo biyo yareynta webiga oo soo laalaabatay.

Beeraley badan culeysyada jira ayaa u horseeday inay hawshii ay u hayeen bulshada inay ka tagaan Qaarkood waxaa ku dhacay rajo beel ah.

Xoola-dhaqadii waxaa ku dhacay dhibaato weyn. Duunyadiii waxay u waayeen biyo iyo baad ku filan. Kummannaan xoolo ah ayaa u le’day abaarta ama hadda halis ku jira.

Qoys badan ayaa cayroobay, ubad badan ayaan loo haynin caano lagu habo, dhibaatadu waxay gaartay heer aad u sarreeya oo u baahan gurmad dadweyne oo weyn.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan