Home / Habka-Nolosha / Barca vs Girona, kulan isha lagu hayo

Barca vs Girona, kulan isha lagu hayo

Muqdisho – Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda Girona kulan ku tirsan Horyaalka LaLiga Dalka Spain .

Naadiga difaacanaya Horyaalka ayaa isha ku haya in ay sii wataan guulahooda xiriirka ah oo ay ka wadaan LaLiga iyagoo waliba maanka ku haya guushii ay gaartay dhigeeda Real Madrid.

Kooxda Girona oo ciyaartooy ahaan aan u dhigmin Barca ayaa isku dayi doonta in ay jidka u galaan welibana il gooni ah ay ku hayaan Kabtanka Barcelona Lionel Messi.

Barca ayaa dhalisay 9 gool labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garaacday kooxda ay ku xafiiltamaan Gobolka Catalona kulamadii ay wada ciyaareen La Liga.

Labada Kooxood ayaa kaliya kulmay laba kulan oo kaliya taariikhdooda horyaalka La Liga
Kooxda Barcelona ayaa badisay kulan saaxiibtinimo ah oo dhacday 2011 iyaga oo ku badiyay 2/1 ka hor inta ayna sanadkii 2014 3/2 ku garaacin tartanka Copa Catalunya.

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo
Garoonka: Camp Nou

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan