Home / Habka-Nolosha / Barcelona iyo kooxaha caasimadda Madrid ka dhisan oo guulo wada gaaray

Barcelona iyo kooxaha caasimadda Madrid ka dhisan oo guulo wada gaaray

Loolanka loogu jiro hanashada horyaalka La Liga ayaa ah waxa indhuhu ay ka dhursugayaan, waa horyaalka keliya oo u muuqda inaanay jirin koox loo saadaalin karo, misna saddex kamid ah kooxaha dunida ugu wanaagsan ayaa ku loolamaya hanashadiisa xilli saddex kulan uun ay ka hartay.

Real Madrid ayaa booqatay Vallecanes oo ay kula dheeshay Rayo Vallecano, wiilasha macallin Zidane ayaase labo gool oo degdeg ah laga dhaliyay siddeed daqiiqo gudahood, waana war ay ku farxeen jamaahiirta Barcelona iyo kuwa Atletico.

Labo gool oo ka yimid Gareth Bale iyo gool looga mahdinayo Lucas Vazquez ayay hogaanka ku qabteen Los Blancos la’aanta Cristiano Ronaldo, waxayna tageen 81 dhibcood iyagoo hoos u soo fiiriyay Atletico Madrid iyo Barcelona.

Atletico ayaase Estadio Vicente Calderon kusoo dhoweysay Malaga, xilli qeybtii hore lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah.

Kulanka oo lagu xiiqay ayuuse Angel Correa shabaqa gaaray daqiiqaddii 62aad xilli bedel uu ku soo galay cayaarta, garoonkana uu ku jiray keliya shan daqiiqo.

Goolkaa ayaase kaga filnaaday in Atletico Madrid ay iyadu booska koowaad ka dharbaaxato Real Madrid oo ay la timaad 82 dhibcood.

Barcelona ayaase sii wadatay qaab cayaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigtay kulankii Deportivo markii Camp Nou ay ku marti soortay kooxda Sporting Gijon.

Luis Suarez ayaa la loodin la’yahay oo diiwaan kale sameeyay, kulankiisii labaad oo xiriir ah ayuuna afarley dhaliyay si Neymar iyo Messi ay labo gool u raacsadaan uguna badiyaan nus dersin kooxda Sporting Gijon.

Barcelona ayaana u laabatay booska koowaad oo farqiga goolasha ay kaga horeyso kooxda booska labaad u degtay ee Atletico Madrid.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan