Barcelona oo amaah ku raadineysa xiddiga PSG ee Neymar

Himilo – Warar xan u badan ayaa sheegaya in kooxda Paris Saint-Germain ay furtay aragitda ah in  ay amaah ku bixinayaan Neymar, naadiga Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay rajeynayaan in adeegga xiddiga qaranka Brazil ay helaan weliba si amaah ah.

27-jirkaan u dhashay qaranka Jaalayaasha ayaa xiisa badan waxa uu kaga imaanayey dhowr koox sida Barcelona, Real Madrid iyo Juventus, balse PSG ayaa dalbatay qiimo lacageed oo aad u sarreeya oo lagu heli karo adeegga laacibkan.

Sida ay waerineyso majaladda Sport, Barcelona ayaa hadda amaah ku raadineysa Neymar si uu dib ugu soo laabto kooxdiisi hore ee Barca.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in PSG ay dhagaysanayso heshiiska amaahda ah ee Neymar oo ay waajib ku tahay inay iibsato, taasi oo intaasi kaddib bixin doonta kharash u dhexeeya € 220 milyan iyo 250 milyan oo Euro.

Kooxda reer Catalonia, oo inta badan dhaqaalahooda ku qarashgareysay xagaagan Antoine Griezmann, ayaa hadda u muuqata mid  Neymar ay ku heli karaan amaah kahor inta aysan bixin lacagtiisa joogtada ah dhammaadka xilli ciyaareedka 2019-20.

error: Copy lama Ogola Fadlan