Home / Cayaaro / Barcelona oo dalabkii u danbeeyay ka gudbisay Eric Garcia

Barcelona oo dalabkii u danbeeyay ka gudbisay Eric Garcia

Himilo – Sida ay ku warrameyso ESPN, Barcelona ayaa sameysay isku daygii ugu danbeeyay oo ay kula saxiixanayaan daafaca dhexe Manchester City ee Eric Garcia kahor 5-ta October xilligaasi oo ah wakhtiga ugu danbeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Barcelona ayaa la werinayaa in laacibkan horey ugu dalbadeen qiimo dhan €10 milyan oo Yuuro inkasta oo laga soo diiday lacagahaasi. Manchester City ayaa dhageysaneysa dalabkaan, kaasi oo qiimaha ku bixi doona lagu sheegay €30 milyan oo Yuuro.

Garcia waxa uu kamid yahay wax soo saarka xerada La Masia, ee akadeemiyadda Barcelona, kahor inta uusan u dhaqaaqin Manchester City sannadkii 2017, isaga oo markii ugu horreysay Manchester City u saftay December of 2018.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan