Home / Cayaaro / Barcelona oo dalabkii ugu danbeeyay u gudbineysa Inter si ay ula saxiixato Lautaro Martinez

Barcelona oo dalabkii ugu danbeeyay u gudbineysa Inter si ay ula saxiixato Lautaro Martinez

Himilo – Barcelona ayaa ku jirta isu diyaarintii ugu danbeysay oo ay ku dalbanaayaan weeraryahanka Inter Milan ninka lagu magacaabo Lautaro Martinez, kaasi oo ay doonayaan in lasoo gabagabeeyo isbuucaan.

Sida ay werineyso Goal.com, Blaugrana ayaa laacibkan u aragta beddelka saxda ee ku haboon booska weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez, kaasi oo kooxda ka dhaqaaqayo fasal ciyaaredkan.

Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa muddooyinkii danbe isha ku hayay ciyaariyahankan inkastoo caqabado badan ay jireen,kuwaas oo dhashay saameynta taban ee xanuunka COVID-19.

Ronald Koeman  ayaa u baahan keenidda dhowr ciyaartoy oo uu kamid yahay ninka ay isku qaranka yihiin ee Depay kaasi oo ka tirsan naadiga Lyon, laakiin Martinez waxa uu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Barcelona.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan