Home / Cayaaro / Barcelona oo daneynaysa weeraryahanka Harry Kane

Barcelona oo daneynaysa weeraryahanka Harry Kane

Himilo FM – Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane kaasi oo ah beddelka mustaqbalka fog ee Luis Suarez.

Suarez ayaa dhaliyay 162 gool tan iyo markii uu yimid Camp Nou 2014, laakiin ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa noqon doonna 32 jir bisha Janaayo ,Barcelona ayaana durbadiiba la sheegay inay raadineyso weeraryahanakaan.

Sida laga soo xigtay Daily Star, kooxda heysata horyaalka Spain ayaa ka dhigtay Kane bartilmaameedkeeda koowaad, waxaana ay isku diyaarinayaan inay bixiyaan lacag rikoor ah si uu kabtanka England u yimaado Camp Nou.

Kane ayaa mar kale qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay Tottenham xilli ciyaareedkan, isaga oo shabaqa soo taabtay 13 jeer 20 kulan oo uu kasoo muuqday tartamada oo dhan.

25 jirkan ayaa 153 gool u dhaliyay 233 kulan oo uu u saftay Tottenham tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda koowaad. Qandaraaska Kane wuxuu dhacayaa xilli ciyaareedka 2023-24.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan