Home / Cayaaro / Barcelona oo dooneysa in sare u qaado qiimaha qandaraaska cusub ee Gavi

Barcelona oo dooneysa in sare u qaado qiimaha qandaraaska cusub ee Gavi

Himilo – Barcelona ayaa dooneyso inay qandaraas cusub oo lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 430 milyan ginni geliso Gavi.

17-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu safto kooxda koowaad iyadoo dhaawacyada Barcelona ay ku jiraan xilli ciyaareedkan, wuxuuna durba saftay 7 kulan tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Gavi ayaa sidoo kale looga yeeray xulka qaranka Spain kulanka semi-finalka UEFA Nations League ee arbacada ay la ciyaarayaan Italy, waxaana la filayaa inay Barca dooneyso inay heshiis cusub ka saxiixato da ’yarka.

Heshiiska Gavi ee Camp Nou ayaa dhici doona xagaaga 2023, sida laga soo xigtay Sport, Barca ayaa dooneysa inay xiddigan da ‘yarka ah xirto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26 iyadoo lagu burburin karo 426 milyan ginni.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Barca ay durba bilowday wada-xaajoodka Gavi, laakiin sharuudaha FIFA ee ku saabsan qandaraasyada muddada-dheer ee ciyaartooyda ka yar 18-jirka ayaa la micno ah in heshiis saddex sano ah oo ikhtiyaar u leh laba sano oo kale ay u badan tahay inuu miiska saaran yahay.

Laacibka ka soo qalin jabiyay La Masia ayaa caawiyay goolkii Ronald Araujo ee barbaraha ay la galeen Granada bishii hore La Liga, Barca ayaana lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inuu qalinka ku duugi doono heshiis cusub.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan