Himilo – Barcelona ayaa waxa ay diyaar u tahay inay lacag kaash ku hesho seddex ciyaaryahan oo daafac ah ka hor dhamaadka todobaadkan.
Inkasta oo uu Lionel Messi diyaar u yahay in uu aqbalo mushahar dhimis badan oo uu ku sameeyay Camp Nou, Barcelona ayaa wali ku jirta xaalad dhaqaale oo aan fiicnayn ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda reer Catalonia waa inay yareeyaan mushaarkooda si ay ula kulmaan qawaaniinta La Liga, arintaas oo keentay in xubno ka tirsan kooxda lagu soo wareejiyo lacag la’aan.
Sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya Clement Lenglet, Sergino Dest iyo Samuel Umtiti iyagoo raadinaya inay lacag uruuriyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Halka Dest uu saftay 41 kulan tartamada oo dhan intii u dhaxeysay 2020-21, Barcelona waxay ogtahay inay macaash deg deg ah ka heli karaan ciyaaryahan xagaagii hore ku kacay 19 milyan ginni.
Lenglet ayaa laga yaabaa inuu ka caga jiidayo inuu ka tago marxaladan waayihiisa ciyaareed ka dib markii uu qalinka ku duugay kaliya qandaraaska mudda dheer ee bisha October.