Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo goortii 24aad ku guuleysatay La Liga iyo taariikhda loo diiwaan geliyay

Barcelona oo goortii 24aad ku guuleysatay La Liga iyo taariikhda loo diiwaan geliyay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa markeedii lixaad siddeedii sano oo u danbeysay hanatay horyaalka La Liga.
Luis Suarez ayaa saddexley kasoo dhaliyay Granada kulankii ay caawa booqdeen gobolka Andalusia si markii 24aad taariikhda ay kooxdu u noqoto horyaalka Spain.

Real Madrid oo 12kii kulan oo u danbeysay guuleysaneysay ayaa booska labaad ku dhameysatay, walow Barca bishii April saddex kulan oo isxiga afka ciidda loo daray.

Suarez ayaa dagaalkii shaqsiga ahaa ee loogu jiray gool dhallinta La Liga kaga guuleystay Cristiano Ronaldo oo labo gool ka dhaliyay isna kooxda Deportivo.

Ronaldo ayaase caawa gool dhallintiisa gaarsiiyay 51 gool oo dhammaan kulamada kooxdiisa ah, mana jiro laacib aan isaga aheyn oo lix xagaa oo xiriir ah dhaliya wax ka badan 50 gool.
Tan iyo aasaaskii kooxdii riyada ee macallin Johan Cruyff 25 horyaal oo wiilasha Catalonia ay cayaareen 13 goor ayay hanteen horyaalka.

Waxay siddeed horyaal ka hooseeyaan Real Madrid oo 32 goor u dabaal degtay hanashada La Liga halka Atletico Madrid ay hanatay 10 goor iyadoo Valencia ay heshay Siddeed horyaal.

Ma jirto koox kale oo ka dheesha horyaalada Yurub ugu waa weyn oo siddeedii xilli cayaareed oo u danbeysay lix goor horyaal hanatay.

Suarez ayaa 40 gool dhaliyay si uu ugu guuleysto gool dhallinta horyaalka, isagoo 14 goor shabaqa soo taabtay shantii kulan oo ugu danbeysay.

Waa xiddigii saddexaad oo taariikhda La Liga ka dhaliyay hal xagaa 40 gool, waxaa kaga horeeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo xagaagan shan gool oo horyaalka ah isaga ka danbeeya.

Waa saddexleydii siddeedaad oo Suarez uu xagaagan Barcelona ugu dhaliyo dhammaan tartamada.

MSN ayaa dhaliyay 90 gool oo kamid ah 112 gool oo Barcelona ay xagaagan La Liga ka dhalisay, Suarez 40, Messi 26 halka Neymar uu dhaliyay 24 gool.

Saddex meelood koobabka horyaalka ee Barcelona ayaa yimid markii kooxda ay ku soo biireen Lionel Messi iyo Andre Iniesta.

75 sano ayay Barcelona ku qaaday 16 horyaal, hayeeshee tan iyo 2004-2005 markii kooxda koowaad ay yimideen Messi iyo Iniesta Blaugrana ayaa horyaalka hanatay siddeed goor.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan