Himilo – Wada hadalka heshiis kordhinta ee u dhaxeeya kooxda Barcelona iyo da’yarkeeda Ansu Fati ayaa ku dhaw in qalinka lagu duugo, sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Qandaraaska 18 jirkan ayaa ku eg xagaaga soo socda. Kooxda reer Catalan ayaa wada hadal heshiis ballaarin ah kula jirtay taniyo toddobaadkii tagay wakiilkiisa Jorge Mendes.
Wada xaajoodka labada dhinac ayaa la aaminsan yahay inuu marayo heer gabagabo ah, waxaa la soo weriyay in la dhammeeyay warqadaha horudhaca u ah heshiiska rasmiga ah.
Ansu wuxuu kooxdiisa da’ yaraanta ugu dhaliyay 15 gool. wuxuu muddo ku maqnaa dhaawac dhanka jilibka ah, waxaa dhawaanahan lala xiriirinayay kooxaha labada Manchester ee Ingiriiska.